Isku xirrada

Kenya oo Sheegatay in ay Dileen Shan Shabaab Ah


Shabaab

Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegey in ay dileen maleeshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab ayna sidoo kale saanado ciidan ku soo qabteen, howl gal ay ciidankoodu sameeyeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada, David Obonyo, ayaa sheegey in howlgalka oo ka dhacay deegaannada keymaha Boni iyo Bodhey ay ku dileen shan maleeshiyo oo ka tirsaneyd ururka al-Shabab.

Waxa uu Obonyo sidoo kale sheegey in ay ku soo qabteen howl galkaasi lix qoryaha AK47, 321 rasaas, iyo seddex bam gacmeedyo.

Al-Shabaab ayaa hore weeraro uga geystay deegaannadaasi gudaha dalka Kenya ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG