Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay inay soo qabteen doon si sharci-darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Soomaaliya oo laga leeyahay dalka Iiraan kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamadu. Weriyahayaga Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa hawlgalkan ka waraysatay Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo ah taliyaha ciidamada dekedda Boosaaso.