Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ricardo Carvalho oo 7 Bilood Xabsi ah Lagu Xakumay


 Ricardo Carvalho
Ricardo Carvalho

Difaacii hore ee kooxaha Chelsea iyo Real Madrid Ricardo Carvalho, ayaa lagu xakumaya toddobo bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 142,882 euros ($167,000), kadib markii lagu heley dambiyo la xariira wax isdaba marin dhanka cashuuraha ah, sida ay maxkamad Spain ku taalla ay sheegtay Jimcahii.

Sharciga Spain ka jira ayaa ah in xabsi ka yar laba sano, haddii dambiilaha aanu galin dambiyo rabshado la xirira, uu dibad joog ka ahaan karo xabsiga.

Carvalho, oo 39 sano jir ah, ayaa hadda u ciyaara kooxda dalka Shiinaha ka dhisan ee Shanghai SIPG.

XS
SM
MD
LG