Jupp Heynckes, ayaa mar kale dib ugu soo laabanaya howsha macalinnimo, isagoo tababari doono kooxda Bayern Munich illaa iyo inta ka harsan xilli ciyaareedkan, naadiga Bundesliga ayaa sidaasa sheegtay Jimcaha.
Bayern, ayaa shaqada ka erisay Carlo Ancelotti isbuucii la soo dhaafay.
Heynckes, 72 sano jir ah, ayaa Bayern kula guuleystay koobabka Jarmalka laga dheelo iyo koobka Champions League sanadkii 2013, ka hor inta uusan Peyp Guardiola oo Spain u dhashay u banneeynin booska tababarnimo.