Isku xirrada

War Deg-Deg ah

England Iyo Germany oo U Soo Baxay Koobka Aduunka


Harry Kane
Harry Kane

Xulalka kubadda cakta ee Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa u usoo baxay ciyaaraha Koobka Aduunka ee ka dhici doona dalka Russia bartamaha sanadka soo socda ee 2018.

Jarmalka oo ah xulka hadda heysta horyaalnimada adduunka ayaa xalay 3-1 ku garaacay kooxda qaranka ee Waqoyiga Ireland. Ciyaarta oo ka dhacday magaalada Belfast ee caasimada Waqooyiga Ireland ayaa Jarmalka waxaa goolasha u kala dhaliyay Sebastian Rudy, Sandro Wagner iyo Joshua Kimmich.

Goolka calanka ee Northern Ireland waxaa saxiixay Josh Magennis dhamaadki ciyaarta.

Jarmalka isaga ayaa hadda Group C ku hogaaminaya 27 dhibcood, waana uu xaqiijiyay inay usoo baxeen Koobka Aduunka, waxaa kusoo xiga Northern Ireland oo aadi doonta ciyaaraha kala sooca ee ay dheelaan kooxaha kaalimaha labaad kasoo galay 9-ka group ee loo qeybiyay xulalka Yurub ee ciyaaraha is reeb reebka.

Waxaa sidoo kale iyana xirtay booskeeda koobka kubadda cakta aduunka ee sanadka soo socda xulka qaranka ee England, kadib marki ay xalay 1-0 uga badiyeen kooxda qaranka ee Slovenia.

Ingiriiska oo aanan soo bandhigin ciyaar ay jecleystaan taageerayaashooda ayaa waxaa dhmaadki ciyaarta goolka guusha u keenay Harry Kane oo weeraryaka ka ciyaara.

Wuxu ahaa goolkiisii 11-aad ee uu xulka England u dhaliyo 22 kulan oo caalami ah oo uu saftay.

Guud ahaan ciyaarihi xalay dhacay ee is-reeb-reebka koobka adduunka ee xulalka Yurub ayaa waxay kooxuhu isu arkeen sidaan.

Group C
Azerbaijan 1 - 2 Czech Republic
N.Ireland 1 - 3 Germany
San Marino 0 - 8 Norway

Group E

Armenia 1 - 6 Poland
Montenegro 0 - 1 Denmark
Romania 3 - 1 Kazakhstan

Group F

England 1 - 0 Slovenia
Malta 1 - 1 Lithuania
Scotland 1 - 0 Slovakia.

XS
SM
MD
LG