Isku xirrada

Andres Iniesta oo Wada Hadal ugu Yeerey Catalonia iyo Dowladda Spain


Iniesta

Kabtanka Barcelona iyo xiddga qadka dhexe ee Spain Andres Iniesta, ayaa wada hadal ugu yeerey dowladda Spain iyo hoggaamiyayaasha Catalonia, si ay u xalliyaan khilaafaadkooda.

Dowladda Spain ayaa khilaaf ku saleysay gooni u goosadka gobolka ugu qanisan Spain ee Catalonia kala dhaxeeya, waxana jirtay Axaddii afti rabshado ay hareeyeen oo dadka gobolkaasi ku codeynayeen inay ka go'aan Spain intiisa kale.

Iniesta, oo goolkii guusha koobkii adduunka ee 2010 ka dhaliyay Netherlands ayaa ka mid ah ciyaartoyda fara ku tiriska ah ee reer Barcelona ah, balse si weyn looga jecel yahay Spain, waxana soo dhaweyn uu kala kulmaa taageerayasha mar kaste oo uu garroonka ku jiro ama ka maqan yahay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG