Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la sheegayaa in ay isu diyaarineyso dalab xoogan oo ay bisha Jannaayo u diri doonto laacibka khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Jarmalka Mesut Ozil.
Ozil oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa aad loo saadaalinayaa inuusan kusii nagaan doonin garoonka Emirates Stadium ee magaalada London marka la gaaro xagaaga soo socda ee sanadka 2018-ka.
Sababaha ugu weyn ee uu uga tagayo Arsenal ayaa lagu sheegay in ay tahay, isaga oo aanan ku faraxsaneyn inuu kordhiyo qandaraaska uu kooxda kula jiro hadda oo dhamaan doona sanadka soo socda.
Arsenal ayaa la sheegay inay doorbideyso iibinta laacibka marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda bisha January si ay uga hortagto inaysan ku lumin waxa loo yaqaano beeca xorta ah.
Kooxda Inter Milan ayaa hadda ah kooxda ugu cad cad ee dalban doonta Ozil oo ah 28 jir.