Isku xirrada

Daacish oo Sheegatay Dil ka Dhacay Boosaaso


ISIS flag

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxay toogsho ku
dileen hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay
Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle
Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska
Afar irdood ee magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan. Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerarkaas iyagu gesteen.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa khadka telefoonka ee Boosaaso ku waraystay weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG