Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Will Aragga La' oo ka Shaqaysta Hargeysa


Inta badan dadka araga naafada ka ah ayay soo waajahaan duruufo xaga nolosha ah oo saamayn ku yeesha nolol maalmeedkooda caadiga ah, hasa yeeshee waxa jira xubno kooban oo aan niyad jabin isla markaana sii wata nolosha intii karaankooda ah.

Mawliid Yuusuf Colow waa wiil araga naafo ka ah waxaana uu magaalada Hargeysa ku haystaa kaalin biyaha laga dhaamiyo oo uu in mudo ah ku xoogsanayay.

Mawliid oo u waramay barnaamijka dhalinyarada ee VOA ayaa sheegay inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan isaga iyo asxaabtiisa kale ee araga naafada ka ah urur u gaar ah oo ka shaqeeya danahooda.

Wariyaha VOA Haashim Shekh Cumar Good ayaa magaalada Boorama kula kulmay isla markaana ka waraystay sida ay ugu suurtogasho inuu xoogsado isagoo aan waxba arkayn.

Dhageyso Nin Indhaha La' iyo Shaqadiisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG