Todobaadkaan waxaa iyo kan xiga waxaa laga nasa doonaa horyaalada kubadda cakta ee Yurub iyo waliba kuwa kale ee aduunyada kale, taasi badalkeeda waxay kubadda cakta caalamka ku mashquuli doontaa isreeb reebka koobka aduunka ee 2018-ka.
Tababarayaasha xulalka kubada cakta ee ka qeybgalaya ciyaaraha is reeb reebka ayaa bilaabay inay magacaabaan ciyaartooydooda.
Xulalka lagu dhawaaqay waxaa ka mid ah xulka kubadda cakta Argentine, waxaase uu tababare Jorge Sampaoli uu mar kale ka tagay weeraryahanka kooxda Juventus Gonzalo Higuain.
Laacibkan ayaanan loo qaadan xulka ciyaarihi ay Argentine dheeleen bishi hore. Badalkiisa waxaa la qaatay weeraryahanada kooxaha Atalanta, Juventus iyo Inter ee kala ah Paulo Dybala, Papu Gomez iyo Mauro Icardi.
Ciyaartooyda xulka Argentine ee la qaatay ayaa kala ah:
Romero, Guzman, Marchesin; Fazio, Mammana, Pezzella, Mascherano, Otamendi, Mercado, Casco; Acuna, Di Maria, Biglia, Paredes, Banega, A Gomez, Salvio, Rigoni, P Perez, Gago, E Perez; Messi, Benedetto, Icardi, Dybala, Acosta