Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pique oo Ka Tagaya Xulka Qaranka


Gerard Pique oo dhulka jiifa isaga oo xiran funnaada xulka qaranka Spain
Gerard Pique oo dhulka jiifa isaga oo xiran funnaada xulka qaranka Spain

Laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa sheegay inuu ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga ah ee xulka qaranka haddii taageerddi uu taageeray in gobolka uu kasoo jeedo ee Catalonia uu noqdo gobol ka madax bannaan Spain inteeda kale ay dhibaato ku noqoto xulka.

Pique ayaa in mudda ahba u ololeeynayay madax bannaanida gobolka Catalonia ee caasimaddiisuna tahay Barcelona. Axadi xidigaani ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka isaga oo dhiibanaya codkiisa.

Wuxuu sheegay in uu isaga tagayo xulka qaranka Spain haddii uu xiriirka kubabadda cakta uu sidaasi weydiisyo, xittaa ka hor inta aananba la gaarin ciyaaraha aduunka ee sanadka soo socda.

Pique ayaa u saftay xulka qaranka Spain 91 kulan oo caalami ah. Bilooyinki dhawaa taageerayaasha xulka qaranka ayaa ku orrinayay mar walba uu kubadda qaato.

Axadi lasoo dhaafay ayaa gobolka Catalonia waxaa ka qabsoontay afti ay dadku ku rabeen madax bannaani. Aftidani ayaa waxaa ka dhashay muranbadan kadib marki ay ciidanka booliska Spain u diideen dadka in ay codkooda dhiibtaan.

Boqollaal qof ayaa ku dhaawacmay rabshado ka dhashay aftida.

XS
SM
MD
LG