Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Xaaladda Dalka


Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si kooban uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan waddanka Soomaaliya.

Farmaajo oo ka hadlay munaasabad uu ku saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka ayaa sheegay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay mas’uul ka tahay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Sharciga isgaarsiinta ee uu maanta saxiixay madaxweynaha ayaa waxaa dhowaan ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Dhageyso Sharciga Isgaarsiinta
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:29 0:00

XS
SM
MD
LG