Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda Maalgashiga Imaaraadka ee Dekedaha Somalia


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa walaac ka muujiyey qorshaha maalgelinta dekedaha Soomaaliya ee Imaaraadku horkacayo. Xildhibaannada saxeexay mooshin ka dhan ah dekedaha Imaaraadku maalgashanayo waxaa ka mida Sacdiya Salaad Xaaji oo lagaa soo doorto Puntland.

Waxay ka hadashay in Puntland ay dardargelisay dhaqangelinta heshiiskaas, ka dib markii ay maqleen inuu jiro mooshinku, waxayna ku eedaysay maamulka inay ku dhawaqeen inay burburiyaan guryo tiro badan oo ka agdhow dekedda.

Waraysiga Xildhibaan Sacdiya Salaad Xaaji oo u warantay Ismail Farjar

Waraysiga Xildhibaanka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00

Hase ahaatee Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo ka hortagga Dembiyadda Badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay inay joojiyeen guryo ay damacsanaayeen inay burbiyaan, wuxuuna eedaha ka imanaya Xildhibaanada Federaalka ku sheegay inay yihiin kuwo salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu u waramay.

Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG