Isku xirrada

Spain: Catalonia Kama Jiri Doonto Afti.


A national police officer watches a person casts a symbolic 'No' vote during protest against the Catalonian referendum in Madrid, Spain, Sept. 29, 2017.

Dowlada Spain ayaa sheegtay inaysan jiri doonin wax afti madaxbanaani ah oo ka dhaceysa gobolka Catalonia Axada, xilli maamula gobolkaasi uu sii wado diyaar-garoowga loogu jiro codbixinta aftida.

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Spain Inigo Mendez de Vigo ayaa Jimcihii sheegay in codbixinta gooni isu taaga uu xadgudub ku yahay sharciga Spain isla markaana aysan dowladu aqbali doonin natiijada codbixinta.

Maamulka gobola Catalonia ee dalka Spain ayaa sheegay in ay muddo 48 saacadood gudahood ku dhawaaqi doonaan in ay ka go,een Spain inteeda kale, haddii dadka deegaanka ay haa ugu codeeyaan.

Dowladda Spain ayaa adeegsaneysa wax walba oo awoodeeda ah oo ay ku joojineyso codbixinta. Booliska ayaa lagu wargeliyay in ay la wareegaan qalabka loo adeegsan doono aftida, sidoo kale waxaa la amray inaanan dhismooyinka dowlada loo isticmaali karin xarumaha codbixinta.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG