Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Montpellier oo taakeeysay Monaco


Benjamin Lecomte oo ka tirsan Montpellier
Benjamin Lecomte oo ka tirsan Montpellier

Kooxda Montpellier ayaa u diiday kooxda Monaco fursad ay ku qaban laheyd hogaanka horyaalka dalka France ee Leage 1, kadib marki ay ku celisay bareejo 1-1 ah.

Gool uu dhamaadkii ciyaarta saxiixay Souleymane Camara ayaa Montpellier u suura geliyay inay hal dhibic ka hesho kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Monaco.

Monaco ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay gool uu u dhaliyayRadamel Falcao, goolkaas ayaa ahaa kii 12-aad ee uu dhalinayo laacibkan u dhashay dalka Colombia xilli ciyaareedkan.

Hadii ay badin laheyd Monaco waxay laba dhibcood ka sara mari laheyd kooxda Paris St-Germain oo ay hadda wada leeyihiin min 19 dhibcood.
Paris St-Germain ayaa haddii ay Sabtida ka badiso naadiga Bordeaux waxay sadex dhibcood oo nadiif ah ka sara mari doontaa Monaco.

Ciyaaraha kale ee horyaalka Friace waxay kooxuhu isu arkayaan sidan:

Amiens ? - ? Lille
Dijon ? - ? Strasbourg
Guingamp ? - ? Toulouse
Nantes ? - ? Metz
Rennes ? - ? Caen

XS
SM
MD
LG