Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taabid: AMISOM raaligelin ayey Bixiyeen


AMISOM oo ku sugan dekedda Ceel-Macaan
AMISOM oo ku sugan dekedda Ceel-Macaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay raaligelin ka bixiyeen, dhacdo baraha bushada maalmihii la soo dhaafay si weyn u qabsatay oo muujineysa gaari ka mid ah kuwa qafilan ee ciidamada Amisom oo jiiraya gaari qof rayid ah uu watay, magaalada Muqdisho.

Hadalka gudoomiyaha ayaa ka dambeeyay kullan masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir Maanta la yeesheen Madaxda Midawga Afrika ee AMISOM iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, kaasoo looga hadlayay dhibaatada Ciidamada AMISOM ay u geystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wariyeheenna Falastiin Axmed Iimaan oo khadka taleefanka kula xiriirtay ayaa weydiisay Gudoomiyaha wixii ka soo baxay kullankii ay AMISOM madaxdooda la yeesheen.

Wareysi: Guddoomiyaha gobolka Banaadir
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:32 0:00

XS
SM
MD
LG