Isku xirrada

Taliyaha Ciidamada Turkiga oo Muqdisho Tagey


Hulusi Akar

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan Turkiga ka socday ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Axmed Jimcaale Geedi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Baker.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo kala duwan.

Socdaalka taliyaha ayaa la sheegay in uu horudhac u yahay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xarigga loooga jarayo saldhig ciidan oo Turkiga ka hirgeliyay magaalada Muqdisho, oo loogu tala galay in lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG