Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaalle: Dowladda kaliya ayaa joojin karta duulimaad


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Hay’adda duulista hawada ee dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaliya ay awood u leedahay go’aan ka gaarista arrimaha duulimaad dalka.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii maamulka Galmudug uu soo saaray amar uu duulimaadyada kaga mamnuucayo magaalooyinka uu ka taliyo, marka laga reebo duulimaadyada ciidamada Amisom ee gobolka ku suggan iyo Kuwo Gargaarka.

Maareeyaha Guud ee ee Hey’adda saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo VOA-du la hadashay ayaa sheegay in Hey’adda Duulista Hawada ee dowladda Federalka oo kaliya ay tahay midd awoodda u leh Amar kasta oo lagu joojinayo duullimaadyada Soomaaliya.

Amarka Galmudug ee Mamnuucista Duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhawaan xubno ka tirsan baarlamanka Galmudug sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen.

XS
SM
MD
LG