Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Wafdi u Direysa Myanmar

FILE - A Rohingya Muslim child kisses his mother as they rest after having crossed over from Myanmar to the Bangladesh side of the border near Cox's Bazar's Teknaf area, Sept. 2, 2017. Tens of thousands of others crossed into Bangladesh in a 24-hour span

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Khamiista maanta ah ay wafdi heer sare ah u direyso gobolka Rakhine ee dalka Myanmar si gargaar bani,aadannimo loo gaarsiiyo dadka ay colaaduhu saameeyeen ee ku harsan gobolka.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoonbay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in wafdiga ka socda QM ee tagaya Rakhine uu waddada u xaari doono in mucaawino xoog leh lala gaaro dadka u baahan gargaarka.

Wafdigani ayaa noqon doono kii ugu horreeyay oo ka socda Qaramada Midoobay oo tagi doona gobolka Rakhine tan iyo marki uu billoowday qaxa ballaaran ee ay gobolkaasi kasoo qaxayaan muslimiinta Rohingya ee dalkaasi.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dalka Myanmar ay kasoo carareen dad gaaraya 4 boqol oo kun oo ka mid ah muslimiinta Rohingya ee dalkaasi kuwaasoo ka cararay dil ay ku hayaan dowlada Myanmar.

Labadi maalmood ee lasoo dhaafay oo kaliyah waxaa dalka Bangladesh gaaray ilaa iyo 45 kun oo ruux oo ka mid ah dadkaasi sida ay sheegtay QM.

XS
SM
MD
LG