Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda maamul goboleedyada oo eedeeyey dowladda dhexe


Qaar ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku eedeeyeen in dowladda Soomaaliya inay faragalin ku heyso maamul goboleedyada.

War-saxafadeedkan waxaa ka muuqda saxiixyada madaxweynahaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Galmudug.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegey in ay ka digayaan faragalin ay ku sheegeen inay dowladda ku heyso maamullada.

Waxaa uu tusaale u soo qatay go’aankii madaxda qaarkeed ay ka qaateen arrinta Khaliijka, oo uu ugu dambeeyay madaxweynaha Galmnudug oo ay ku sheegeen in ay dowladda billowdey olole ka dhan ah madaxweynaha Galmudug.

Xubnahani, ayaa cambaareeyay go’aankii ay xildhibaannada qaar ee Galmudug ay shalay ku shaaciyeen in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxayna ku baaqeen in ay ka laabtaan go’aankaasi.

Si aan u xaqiijinno sax ahaansha qoraalkan ayaa VOA-du waxey la xiriirtay maamullada ku saxiixan qoraalkan. Waxaana xaqiijiyay afar ka mid ah maamulladaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Maamulka Hirshabeelle oo ku saxiixnaa war saxaafadeedka hore ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku beeninayo inuu qeyb ka ahaa warsaxaafadeedka dowladda lagu eedeeynayay.

Warsaxafadeedkan oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay VOA-da oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu yiri.

“Maamulka Hirhsabeelle Qeyb kama ahayn talana kuma biirin warmurtiyeedka ay soo saareen madaxda maamul goboleedyada ee ku saabsanaa arrinka Galmudug”

War saxaafadeedka ayaa dhinaca kale ugu baaqay in la qaboojiyo xiisadda siyaasadeed shir deg deg ahna la isugu yimaado si looga wada hadlo khilaafka taagan.

XS
SM
MD
LG