Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FA oo Eedeyey West Ham United iyo Tottenham Hotspu


West Ham United iyo Tottenham Hotspur, ayaa lagu heley eedeymo la xiriira in ay xakameyn waayeen ciyaartooydooda intii ay socotey kulankii derbiga ahaa ee Sabtidii, sida ay maanta oo Arbaco ah shaacisay FA-da.

Ciyaartooyda ayaa isku dhacay kadib markii kooxda Spurs-ka lagu abaal mariyay laad xor ah daqiiqaddi 95-aad. Ciyaartaas oo ay Tottenham guul 3-2 ah gaartay.

Isku dhacaasi ayaa sababay in afar ciyaartoy la siiyo calaamadda hurudka, kuwas oo kala ahaa Eric Dier, Fernando Llorente oo Tottenham u dheela; Andy Carroll iyo Winston Reid oo West Ham u safta.

Labada kooxood ayaa heysta illaa iyo 28-ka September inay kaga soo jawaabaan eedeymahaasi.

XS
SM
MD
LG