Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayihii ururka haweenka oo Muqdisho lagu dilay


Dil ka dhacay Muqdisho
Dil ka dhacay Muqdisho

Koox hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa toogasho ku dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo Axmed Xaashi Xirse oo ay dhashay Batuulo Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, sida ay VOA u sheegeen goobjoogayaal.

Dilka ayaa ka dhacay isgoyska VIA ROMA ee degmada Xamarweyne. Labada ruux ee la toogtay ayaa watay gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen..

Saraakiisha amniga oo goobta yimid ayaa sheegay in gaariga nuuca loo yaqan Isbaasiyo oo ay saarnaayeen rag hubeysan ay dilka gaysteen, goobtana ay ka baxsadeen.

Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Toogasha ka dhacday Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:07 0:00

XS
SM
MD
LG