Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Neymar iyo Di Maria oo Lagu Darey Liiska Ka Hor Tagi Doona Bayern Munich


Neymar ayaa lagu daray ciyaartooyda Paris St Germain ee Arbacada la dheeli doona kulan katirsan Champions League kooxda Bayern Munich, kadib markii uu ka soo kabtay dhaawac cagta ah, sida uu sheegey tababare Unai Emery, Talaadada maanta.

Soo laabashada ciyaar-yahanka reer Brazil ayaa cirka ku sii shareerisay wararka la isla dhex marayo ee ku aaddan cidda laadi doonta gool ku laadyada (Rigoorooyinka) ee ay PSG hesho, taas oo hore uu u laadi jirey weerar-yahanka reer Uruguay Edinson Cavani.

Labada ciyaar-yahan ayaa ku murmey gool ku laad kulankii ay PSG 2-0 kaga adkaatay kooxda Olympique Lyonnais, sagaal beri ka hor.

Ciyaar-yahanka garabka ka dheela ee reer Argentine Angel Di Maria, ayaa sidoo kale kooxda u soo laabtay, kadib 3 isbuuc oo uu uga maqna kooxda dhaawac.

XS
SM
MD
LG