Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Odayaal ka horyimid heshiiska DP World


Dekedda Boosaaso
Dekedda Boosaaso

Dowlad goboleedka Puntland ayaa bishii April heshiis horumarineed la saxiixatay shirkada DP World ee dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo ay kula wareegayso maamulida dekada Boosaaso ee ah isha dhaqaalaha Puntland.

Mashruucan oo lagu ballaarin doono dekada Bosaaso ayaa waxa ku bixi doona sida la qiimeeyey dhaqaale gaaraya $336 milyan oo dollar.

Si kastaba, odayaal dhaqameedyo ka badan 70 xubnood oo ay ku jiraan siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay gobolka Bari, ayaa waxey maanta shir jaraa’id ku qabteen Boosaaso iyagoo sheegay in heshiiska ay ka soo horjeedaan, danna aysan ugu jirin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa shirkooda ja’raa’id wax ka weydiiyay afhayeenka waxgaradkii shirka jar’aa’id qabtay Mahad Khaalid Muuse.

Dhageyso Odayaal ka hor yimid heshiiska DP World
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:09 0:00

XS
SM
MD
LG