Isku xirrada

Macallinka kooxda Manchester United Jose Mourinho, ayaa ka bad baaday in uu ganaax kale kala kulmo FA-da Ingriiska, kadib markii dibadda looga saaray ciyaartii ay kooxdiisa gool iyo waxba kaga adkaatay kooxda Southampton Sabtidii.

Intii lagu guda jirey xilligii waqti hakinta ciyaarta, ayuu garsoore Craig Pawson , uu dibadda u saaray Mourinho, kadib markii uu soo galay gudaha garoonka, islamarkaasina ay si aan ku tala gal aheyn isugu dhaceen caawiyaha afaraad ee garsooraha, Mike Jones.

FA ayaa heshay warbixinta Pawson Isniinta maanta, balse waxay go'aansadeen inaan loo baahneyn in ay qaadaan tallaabo kale oo dheeraad ah.

United, ayaa sii wadata ku billaabashadooda guul-darrada ka caaggan ee horyaalka, waxayna dhinaca farqiga goolasha ka hooseeysaa kooxda isku magaalada ay ka dhisan yihiin ee Manchester City.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG