Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arkadiusz Milik oo Afar Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona


Weerar-yahanka kooxda Napoli, Arkadiusz Milik, ayaa muddo afar bilood ah ka maqnaan doona garoomada ciyaaraha, kadib markii qalliin jilibka loogu sameeyay Isniinta maanta, sida ay kooxda Serie A-da mareegtadooda (www.sscnapoli.it) ku shaaciyeen.

Weerar-yahanka u dhashay dalka Poland, ayaa jilibka midig ka soo gaaray dhaawac ciyaartii Sabtidii ay Napoli kaga adkaatay kooxda SPAL 3-2.

Milik, oo 36 kulan dalkiisa u saftay ayaa dhaawac kaas la mid ah sanadkii la soo dhaafay jilibka bidix ka soo gaaray, waxana uu garoomada ka maqnaa afar bilood.

XS
SM
MD
LG