Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shalay khudbad ku dhawaad 18 daqiiqo socotay ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, isagoo amaanay guulaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ay dowladda Somalia oo kaashaneysa AMISOM ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabab
Laakiin Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in xajinta iyo dhameystirka guulahaa aaney suuragal aheyn haddii Soomaliya aan laga qaadin cunaqabateynta hubka ee saareyd tan iyo 1992kii si ey u xoojiso awoodda ciidankeeda.
Hadaba Khudbaddii Ra’isul Wasaaraha maxaa nuxur ah oo ku jiray. Waxaan su’aashaa iyo kuwo kaleba uu wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan Weydiiyay, Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faalooda Arrimaha Caalamiga, khadaka taleefanka ee Virginia Dulleedka Washington ayuuna kula xiriiray.