Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Costa oo Ku Laabanaya Atletico Madrid 


Diego Costa
Diego Costa

Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Spain Diego Costa ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo aadan dib ugu biiro kooxdiisii hore ee Atletico Madrid kadib marki ay labada koox arrinta laacibkani heshiis ka gaareen.

Heshiiska guud ee uu Costa kaga tagayo Chelsea ayaa si rasmi ah ansax u noqon doona bisha Jannaayo ee sanadka 2018-ka, hase yeeshee inta ka horreysa Costa wuxuu lasii joogi doonaa Atletico.

Atletico Madrid hadda ma iibsan karto wax ciyaartooy ah sababo la xiriira ganaax uu xiriirka FIFA dul dhigay kooxda. Ganaaxa ayaa dhamaan doona bisha Janaayo ee soo aadan.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu magaalada Madrid ku maro tijaabada caafimaadka. Lama oga lacagta ay Chelsea ku iibineyso weeraryahankaasi 28 jirka ah.

Costa ayaa ka tagay Atletico Madrid sanadki 2014-ki markaas oo ay Chelsea ku iibsatay lacag dhan 32 milyan oo ganiga Ingiriiska ah. Muddadi uu la joogay wuxuu u dhaliyay 58 gool isaga oo saftay 120 kulan.

Sababaha ugu weyn ee uu uga tagay ayaa lagu sheegay macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte oo ka saaray qorshaha kooxdiisa ee xilli ciyaareedkan.

XS
SM
MD
LG