Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo Ku Adkaysatay Dhexdhexaadnimada Xiisadda Carabta


Golaha wasiirada Soomaaliya
Golaha wasiirada Soomaaliya

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa markale lagu taageeray go’aankii xukuumadda Federaalka ee ahaa, inay door dhexdhexaad ah ka qaadato xiisadda ka dhex aloosan wadamada carabta.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoominayey Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu sheegay in dawladda Federaalka oo keliya ahi uu sharciga dalku siinayo inay go’aan ka gaadho arrimaha la xidhiidha Siyaasadda Debedda.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay shirka golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay marwalba ay door dhexdhexaad ah ka qaadan jirtay khilaafka dhex yimaadda dalalka, isla markaana ay muhiimadda siin jirtay ka shaqaynta midnimada Carbeed, tan Afrika iyo Islaamkaba.

Qoraalka ayaa lagu xusay Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii, taas oo lagu sheegay warsaxaafadeedka ‘in Soomaaliya ay diidday in xidhiidhka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay’.

Golaha Wasiirada ayaa marlabaad ayiday go’aankii hore Madaxweynuhu uga qaatay xiisada ka dhex oogan dalalka Carabta iyo Qadar.

Warsaxaafadeedkan Xukuumadda ayaa ku soo beegmaya ka dib markii xalay, uu Maamul Goboleedka Galmudug soo saaray warsaxaafadeed uu kaga soo horjeestay mowqifka Xukuumadda Federaalku ka qaadatay xiisada wadamada Carabta.

Maamul goboleedyada Soomaaliya ee Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa taageeray isbahaysiga Carabta ee Sucuudiga iyo Imaaraatku ay hoggaamiyaan halka ay ka soo horjeesteen mowqifka dhexdhexaadnimada ah ee Xukuumadda Federaalka.

Wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa arrimahan ka wareystay Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cabdiraxman Cumar Cusmaan Eng: Yariisow.

Waraysiyada Galmudug
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:35 0:00

XS
SM
MD
LG