Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mexico: Millatariga Ayaa Ku Biiray Gurmadka Dhulgariirka


Shaqaalaha Gurmadka oo ku mashquulsan badbaado gudaha magaalada Mexico City ee dalka Mexico
Shaqaalaha Gurmadka oo ku mashquulsan badbaado gudaha magaalada Mexico City ee dalka Mexico

Kooxaha gurmadka ee dalka Mexico ayaa baaraya burburka guryaha uu soo riday dhul gariir xoog leh oo Salaasadii ka dhacay magaalada Mexico City iyo hareeraheeda, si ay isugu dayaan in ay gaaraan dad ay nafi ku danbeyso.

Dhul gariirka oo lixaadkiisu ahaa 7.1 cabirka dhul gariirada ayaa sababay dhimashada 225 ruux iyo sidoo kale burburka guryo tobaneeyo ah oo ku yaalay caasimadda dalkaasi Mexico.

Wasiirka aarimaha gudaha dalkaasi Miguel Osorio Chong ayaa sheegay in ciidanka qalbka iyo kuwa booliska Mexico ay sii wadi doonaan howlgalka gurmadka ilaa ay ka quustaan suurtagalnimada helitaanka dad nool oo ku jira burburka hoostiisa.

Madaxweynaha Mexico Enrique Nieto ayaa sheegay in ahmiyadda koowaad ee waddanka uu hadda yahay sidi loo badbaadi lahaa dadka laga yaabo in ay ku hoos jiraan burburka guryaha uu riday dhul gariirka.

XS
SM
MD
LG