Waxaa caawa la ciyaaray wareega shanaad ee horyaalka Seria A-da dalka Talyaaniga, iyadoo inta badan kooxaha waaweyn ay guulo soo hooyeen.
Kooxda Napoli oo aanan marnaba dhinaceeda dhulka la dhigin tan iyo marki uu bilowday horyaalka ayaa xalay si xaraga leh uga badisay kooxda Lazio, kadib marki ay ku garaacday 4-1.
Lazio oo ku ciyaareysay gurigeeda, ayaa ku hormartay goolka waxaana u saxiixay laacibka daafaca ka ciyaara Stefan de Vrij. Laakin dhalinyarada macaliin Maurizio Sarri goolkaasi waxay uga jawaabeen 4 gool oo kala qeybsadeen Kalidou Koulibaly, Jose Callejon, Dries Mertens iyo Jorginho oo ku khatimay gool rigoore ahaa.
Napoli hadda waxay horyaalka ku hor kaceysaa 15 dhibcood, waxaase ku dhagan oo iyaduna dhibcahaasi leh Juventus oo 1-0 dirqi ah uga badisay kooxda Firoentina.
Goolka guusha waxaa Juve siiyay weeraryahankooda Mario Mandzukic. Fiorentina waxay ku dhameysatay ciyaarta 10 laacib kadib markii kaarka cas laga siiyay Milan Badelj.
Ciyaaraha kalana, AC Milan ayaa soo ciriirsatay kaalinta afraad kadib marki ay caawa 2-0 uga badisay kooxda SPAL. Labada gool oo ku yimid rigoore waxaa kala dhaliyay Ricardo Rodriguez iyo Franck Kessie.
Kooxda ay deriska yihiin ee Inter Milan waxay hal dhibic kala soo laabatay Talaadadii kooxda Bologna kadib marki ay isku mari waayeen bar barro 1-1 ah.
Roma waxay 4-0 ku khaarijisay Nenevento. Goolaha labo ka mid ah waxaa u dhaliyay Edin Dzeko. Torino oo sanadkaan rajo ka qabta in ay meel sare gaarto waxay 3-2 ku qabatay Udinese. Guushaasi ayaa u riixday kaalinta shanaad.
Ciyaaraha kalana kooxuhu waxay isu arkeen sidan:
Cagliari 0 - 1 Sassuolo
Genoa 1 - 1 ChievoVerona
Hellas Verona 0 - 0 Sampdoria
Atalanta 5 - 1 Crotone