Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea, Man Utd, Man City Iyo Arsenal oo Wada Badiyay


Eden Hazard
Eden Hazard

Waxaa caawa dhacay kulamo xiisa leh oo ka tirsan koobka EFL ee dalka Ingiriiska, iyadoo dhamaan kooxaha waaweyn sida Chelsea, Manchester United, Manchester City iyo Arsenal ay guulo soo hooyeen.

Chelsea waxay 5-1 uga adkaatay naadiga Nottingham Forest, iyadoo saddex ka mid ag goolasha uu ku fara yareystay weeraryahan Michy Batshuayi. Goolasha kale waxaa kala qeybsaday Kenedy iyo Musonda.

Chelsea waxay saftay xalay xidigooda Eden Hazard oo in mudda ah garoomada uga maqnaa dhaawac. Hazard wuxuu muujiyay wacdaro isaga oo baasay laba ka mid ah goolasha.

Ciyaaraha kalana Arsenal waxay gool uu u saxiixay Walcott uga badisay kooxdaDoncaster Rovers. Everton waxay 3 - 0 dirtay Sunderland, goolasha waxaa u kala dhaliyay Dominic Calvert-Lewin oo laba gool saxiixay iyo Baye Oumar Niasse oo dhaliyay goolka saddexaad.

Manchester United waxay 4 - 1 ku martay Burton Albion. Waxaa si weyn uga dhex muuqday ciyaartan wiilka da,da yar Marcus Rashford halka goolasha kalana ay kala dhaliyeen Jesse Lingard iyo Anthony Martial.

Kooxda ay mataanaha yihiin United ee Manchester City waxay dirqi uga badisay West Bromwich Albion oo ay ugu awood sheegatay 2-1.

Dhamaan kooxaha badiyay waxay u gudbeen wareega afraad ee tartankan. Wareegaan ayaa waxaa u bilaaban doona 23-ka bisha soo socota ee October.

Kooxaha isugu soo haray ayaa waxay isugu aadeen sidaan:
Tottenham vs West Ham
Bristol City vs Crystal Palace
Swansea vs Manchester United
Arsenal vs Norwich
Chelsea vs Everton
Manchester City vs Wolves
Leicester vs Leeds
Bournemouth vs Middlesbrough

XS
SM
MD
LG