Isku xirrada

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxdiisa kaddib marki uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo afar sana ah.

Heshiiskan ayaa dhici doona marka la gaaro sanadka 2021-ka, waxana uu noqday laacibki afraad oo todobaadkaan gudahiisa ay Real Madrid siiyo heshiis kordhin.

Laacibiinta kala ah Dani Carvajal, Marcelo iyo Isco ayaa saxiixay heshiis cusub oo ay kaga sii mid ahaanayaan kooxdani ka dhisan caasimada Spain ee Madrid.

Waxaa isna shalay heshiis qanadaraas cusub u saxiixay Real Madrid macalinka kooxda Zinedine Zidane. Heshiiskan cusub ayaa ah mid ay kooxda ku abaalmarineyso tababare Zidane kadib marki uu laba sana oo is xigtaa uu kooxda u qaaday laba koob oo ah koobka Champions League.

Benzema oo ah laacibki ugu danbeeyay ee ay Real siiso qandaraas cusub ayaa ka tirsanaa naadigan caanka ah tan iyo sanadki 2009. Tan iyo markaas wuxuu u dhaliyay 181 gool kadib 371 kulan oo uu saftay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG