Isku xirrada

Koobka EFL oo Maanta Furmaya


Philippe Coutinho iyo Alberto Moreno

Waxaa caawa dhici doona kulamo ka tirsan wareega sadexaad ee koobka EFL ee dalka Ingiriiska.

Kulamada ugu adag ee caawa ayaa mid ka mid ah wuxuu dhex mari doonaa kooxaha Leicester iyo Liverpool. Weeraryahanka kooxda Leicester Jamie Vardy ayay u dhawdahay inuusan safan sababo la xiriira dhaawac soo gaaray todobaadkaan.

Vardy ayaa ku dhaawacamay kulanki ay Leicester dhawaan la dheeshay kooxda Huddersfield kaasoo ku dhamaaday bar barro.

Dhinaca Liverpool waxaa u safan doona laacibkooda cusub Alex Oxlade-Chamberlain oo dhawaan kaga yimid kooxda Arsenal. Xidigaan u dhashay dalka Ingiriiska ayaa sadexdi kulan ee ugu danbeysay badal kusoo galayay.

Ciyaaraha kalana waxay kooxuhu isu arki doonaan sidan.

Aston Villa? - ? Middlesbrough
Brentford? - ? Norwich City
Bristol City? - ? Stoke City
Burnley? - ? Leeds United
Crystal Palace? - ? Huddersfield Town
West Ham United? - ? Bolton Wanderers
Wolverhampton Wanderers? - ? Bristol Rovers
Reading? - ? Swansea City
Tottenham Hotspur? - ? Barnsley


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG