Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay rebshadihii dadka badan ay ku dhinteen ee gudaha dalka Ethiopia ku dhex maray Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaanu tilmaamay inuu ka xun yahay qalalaasaha dhex maray dadka rayidka ah iyo khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale labada madaxwayne ee Kilalka Soomaalida iyo kan Oromada ayaa iyaguna dhankooda ballan qaday in ay xiisada la soo afjari doono isla markaana ay ka hor tagayaan in wax dambe ay ka soo cusboonaadaan.
Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixin arimahaa ku saabsan inoo haysa.