Dab shalay ka kacay guri dad danyar ah oo barakacayaal ahi ay dagan yihiin oo ku yaalla xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo ayaa keenay dhimashada 5 carruur ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.
Carruurtan oo kan ugu weyni uu 8 sano jir ahaa midka ugu yarna uu 2 sano jir ahaa ayey hooyadood oo u shaqo tagtay, waxa ay dusha kaga xirtay guriga, si ay u nabad-galaan.
Hooyada ay ka geeriyoodeen shanta cunug, Faadumo Mid-Derwo Gureey, iyo mid ka mid ah ehelkeeda ayaa la hadlay wariyaheenna Sahra Cabdi Axmed.
Facebook Forum