Isku xirrada

Jowhar: Waare oo Loo Doortay Madaxweynaha Hir-Shabelle


Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Maxaned Cabdi Waare uu ku uguuleystey doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle, kaddib markii uu wareeggii ugu dambeeyay kaga adkaaday musharaxii la tartamayay ee Daahir Cabdulle Cawaale.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ahaa shaqsigii sanadkii hore la tartamay Madaxweynihi xilka laga qaaday Cali Cabdulaahi Cosoble.

Doorashada ayaa la isla gaaray wareeggii 2aad.

Sida uu ku dhawaaqay, guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle, Sheekh Cusmaan Barre, Maxamed Cabdi Waare, ayaa helay 74 Cod, halka Musharaxa laga guuleystay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.

Doorashada ayaa ku dhacday si nabdoon, waxana amaanka Madaxweynaha la doortay la wareegay Ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ee Gobolka ka howlgala.

Doorashadan, ayaa imaaneysa kadib markii bishii Augost ee sanadkan ay baarlamaanka Hir-Shabelle codkii kalsoonida kala laabteen madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ay eedeymo dhowr ah usoo jeediyeen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG