Magaalada Jigjiga ee xaruunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay 28 ka mid ah dadkii dhawaan lagu dilay deegaanka Hawadaay.
Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ku dhawaaqday in tacsi qaran maamulku galay iyada oo calankana hoos loo dhigay.
Haddaba sida uu aasku u dhacay iyo xaaladda guud ee coolaadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Oromada ayaan waxaa iiga waramay Boqor Cali Cumar Allaale oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ee Ethiopia, lagana soo doortay deegaanka dilku ka dhacay.