Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Oromo ah oo lagu Dilay Hargaysa


Ugu yaraan 32 qof oo Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia.

Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Hadaba dadkaasi la laayay oo u badnaa dad ganacsato ah ayaa waxaa dilkoodu uu saameeyay Somaliland oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo ka soo jeeda gobolka Oromada ee Ethiopia, waxaana galbeedka Hargeisa lagu dilay nin u dhashay Qowmiyadda Oromada ee Ethiopia.

Wariyeheenna Sagal Mustafe ayaa warbixintan ka soo dirtay Hargeysa.

Warbixin: Sagal Mustafe
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

XS
SM
MD
LG