Isku xirrada

Pogba oo lix toddobaad garoomada ka maqnaanaya


Qad dhexlaha kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa la filayaa in afar illaa lix toddobaad uu garoomada uga maqnaan doono dhaawac talaadadii kasoo gaaray bowdada.

Xiddiga caalamiga ah ee xulka France oo 24 jir ah ayaa waxaa laga qaaday tijaabo caafimaad kadib markii uu ku dhaawacmay cayaartii ay United talaadadii la yeelatay kooxda Basel.

Pogba ayaa la rumeysan yahay inuu seegi doono kulanka muhiimka ah ee Manchester United ay 14-ka October la yeelan doonto Liverpool.

Tababaraha kooxda Macnhester United Jose Mourinho ayaa la filayaa inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo caafimaadka Pogba, maalinta jimcaha.

Laacibkan ayaa seegi doona kualmada ay kooxdiisa la yeelan doonto kooxaha Everton, Southampton iyo Crystal Palace, oo ka tirsan horyaalka Premier League iyo kulanka koobka horyaalada Yurub ee ay 27-ka bishan la yeelan doonaan naadiga CSKA Moscow.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG