Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta kulamadi xalay ee Koobka Champions League


Ronaldo
Ronaldo

Waxaa xalay dhacay kulamo kale oo ka tirsan Tartanka kooxaha Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League.

Kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid ayaa guul ku bilowday kadib marki ay 3-0 ugu awood sheegatay kooxda Apoel Nicosia ee dalka Qubrus.

Laba ka mid ah goolasha waxaa Real u dhaliyay xidiga sare Cristiano Ronaldo oo mid ka mid ah goolasha ku dhaliyay rigoore. Goolka kalana waxaa si qurux badan u dhaliyay kabtanka kooxda Sergio Ramos.

Isla group-ka ay Real ku jirto ee H waxaa iyaduna guul weyn ka gaartay kooxda Tottenham ee dalka Ingiriiska oo 3-1 ku garaacday naadiga Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka.

Waxay aheyd guushi ugu horreysay ee ay Tottenham ku heshay garoonka ay sida kumeel gaarka ah ugu ciyaarto tan iyo xilli ciyaareedki hore ee Wembley. Dhamaan kulamadi ay Wembley ku ciyaartay ee xilli ciyaareedki hore ee tartamada Yurub waa ay ku khasaartay Tottenham, sidoo kale labadi kulan ee ay xilli ciyaareedkan ku dheeshay garoonkan ka dhisan London waa laga badisay.

Goolasha ay ku badisay waxaa u daah furay laacibka reer South Korea Son Heung-min, labada kalana waxaa is raacsaday Harry Kane. Goolka kaliyah ee Dortmund waxaa dhaliyay Andriy Yarmolenko.

Kooxaha kale ee guulaha waaweyn soo hooyay waxaa ka mid ah Manchester City oo 4-0 uga taqalustay Feyenoord. Laba ka mid ah goolasha waxaa saxiixay laacibka difaaca ka ciyaara ee John Stones, goolasha kalana waxaa kala qeybsaday Aguero iyo Gabriel Jesus.

Napoli oo ay Manchester City iskula jiraan Group F waxay ku jabtay ciyaarti ay xalay la dheeshay kooxda Shakhtar Donetsk.

Group-ka G, kooxda Besiktas ee dalka Turkiga waxay 3-1 kusoo dubatay kooxda Porto ee dalka Portugal.

Ciyaaraha kalana Liverpool waxay bar barro 2-2 ah la gashay kooxda Sevilla, Maribor iyo Spartak Moscow waxay isku mari waayeen bareejo 1-1 ah, sidaasi si la mid ah Monaco ayaa waxay dhibcaha kala qeybsaden RB Leipzig oo ay ku kala baxeen bareejo 1-1 ah.

XS
SM
MD
LG