Dood kulul ayaa maanta aqalka baarlamanka Soomaaliya ku dhex martay xubnaha baarlamaanka Aqalka Hoose, waxayna aragtiyo kala duwan ka dhiibteen go’aankii dhowaan ay dawladda Soomaaliya ku wareejisay sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF oo loo gacan geliyey dawladda Itoobiya.
Xildhibaannada ayaa qaarna taageersanaayeen go’aankaasi halka kuwo kalena ay kasoo horjeedaan.
Warbixintan waxa amagaalada Muqsiho nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.