Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ancelotti oo doonaya in uu ku laabto Premier League


Carlo Ancelotti
Carlo Ancelotti

Tababare Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto Premier League, haddii kooxda Bayern Munich ay adeegsato qodob u ogolaanaya inay ka baxdo heshiiska saddexda sano ah ee ay la gashay.

Ancelotti oo sanadii 2016 beddelay Pep Guardiola ayaa Bayern ku hoggaamiyey hanashada horyaalkii shanaad oo xiriir ah.

Hase yeeshee wareegga sideed dhammaadka koobka horyaalka Yurub oo ay kusoo hareen xilli cayaareedkii tagey, iyo final-ka koobka DFB oo looga adkaaday ayaa cadaadis xooggan saartay Ancelotti.

Warbixino ayaa sheegaya in Bayern ay dooneyso inay macallin u magacowdo 30 jirka layliya kooxda Hoffeinheim, Julian Nagelsmann, oo laga soo xigtay sidoo kale inuu ku riyoonayo inuu noqdo macallinka Bayern.

Warar ku dhow Ancelotti ayaa sheegay in haddii Bayern ay shaqada ka ceyriso uu doonayo inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League, oo 58 jirkaasii uu hadda ka hor laylin jiray kooxda Chelsea.

XS
SM
MD
LG