Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tartanka Horyaalada Yurub oo Caawa Furmaya


Britain Soccer Champions League Final
Britain Soccer Champions League Final

Waxaa caawa dib u bilaabanaya koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Uefa Champions League.

Kooxo waaweyn ayaa fooda is dari doona. Ciyaarta isha lagu hayo ayaa ah tan dhexmari doonto kooxaha Barcelona iyo Juventus oo xilli ciyaareedki lasoo dhaafayna isku haleelay wareega semi-finalka.

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri oo ka hadlay ciyaartan ayaa sheegay in Barcelona ay wili tahay mid ka mid ah kooxaha ugu adag caalamka kubadda cakta.

Labadan koox ayaanan marna dhinacooda la dhigin xilli ciyaareedkan horyaalada Spain iyo Talyaaniga oo ay kala hogaaminayaan, waxay ku jiraan Group-ka D, waxaa sidoo kale ku jira kooxaha Olympiacos iyo Sporting CP oo iyana caawa ballansan.

Ciyaaraha kalana waxay kooxuhu isu arki doonaan sidatan:

Group A
Benfica ? - ? CSKA Moscow
Manchester United ? - ? Basel
Group B
Bayern Munich ? - ? Anderlecht
Celtic ? - ? Paris Saint Germain
Group C
Chelsea ? - ? Qarabag FK
Roma ? - ? Atletico Madrid

XS
SM
MD
LG