Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro ka Dhacay Gedo iyo Sh. Dhexe


Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerar ay ay maleeshiyada ururka Al-Shabab ku qaadeen magaalada saaka magaalada Beled Xaawo.

Dadka magaalada ayaa idaacadda VOA u sheegay in Al-Shabab ay magaalada soo weerareen salaaddii subax iyagoo laba dhinac kasoo weeraray magaalada.

Maleeshiyada Al-Shababa ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig milatari oo ku yaalla duleedka magaalada halkaasi ay la beegsadeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo weerar ciidan.

Weerar kale ayaa maleeshiyada Al-Shabab ay ku qaadeen saldhigga booliiska iyo xarunat degmada, waxaana la sheegayaa inay ugu yaraan laba qof toogteen.

Dhinaca kalena ugu yaraan Seddex Askari oo Ciidamada Dowlada ka tirsan ayaa lagu dilay Gobalka Gobalka Shabellaha dhexe ka dib markii ay wadada u galeen Malayshiyada Kooxda Alshabab.

Weerarka lagu dilay Askarta dowlada ayaa ka ka dhacay Degaan dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Balcad

Ciidamada ayaa ku sii jeeday Magaalada Jowhar iyadoo wararka qaar kood ay sheegayaan in dagaal labada dhinac dhexmaray ay Khasaaro dhimasho ka soo gaartay Kooxda Weerarka geysatay ee Alshabab.

Dhowr jeer ayeey kooxda Alshabab ku weerartay Ciidamada Dowlada ee ku safra inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar.

Dhageyso Weerarka Beled Xaawo
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00

XS
SM
MD
LG