Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Doonaya in K. Woqooyi la sii Cunaqabateeyo


Dalka Maraykanka ayaa si rasmi ah u codsaday cod Golaha Amaanka ee QM looga qaadayaa qabyo qoraal uu Maraykanku soo gudbiyey oo cunaqabateyn lagu saarayo dalka K. Woqooyi.

Codsigan oo Jimcihii shalay uu gudbiyey hawlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo nuqul ka mid ah ay Idaacadda VOA heshay, ayaa ku baaqaya in dalka K. Wqooyi laga joojiyo saliidda, gaaska dabiiciga ah iyo waxyaabaha kale oo batroolka la xiriira ee dalkaas laga iibiyo.

K. Woqooyi ayaa ku dhawaad dhammaan saliidda iyo gaaska uu isticmaasho ka soo iibsadadalka Shiinaha, la’aantoodna dhaqaalaha dalkaasi u u u waxyeeloobayao, sida ay khubaradu sheegeen.

Qaraarka qabyo-qoraalka ah waxaa sidoo kale ku jira in la joojiyo dharka uu dalkaasi dibadda u dhoofiyo, halkaas oo dhakhli gaaraya boqolaal milyan oo dollar uu ka helo.

Qabyo-qoraalkan ayaa sidoo kale dalkaas ku adkeynaya awoodda uu u leeyahay inuu muwaadiniintiisa shaqaalaha ah dalka dibaddiisa ugu diro, halkaas oo lacagaha ay soo shaqeystaan ay dalka dib ugu soo celiyaan.

XS
SM
MD
LG