Isku xirrada

Trump oo Digniin Kale u Jeediyay Pyongyang


President Donald Trump listens while Kuwait leader Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah speaks during a news conference at the White House in Washington, Sept. 7, 2017.

Madaxweyne Donald Trump ayaa digniin ku bixiyay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku buu yiri uu talaabo Milatari oo ka dhan ah xukumadda Pyonyoung uu qaado.

Madaxweyne Trump oo hadlayay isagoo uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha ayaa yiri “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo.

Waxa uu sheegay inuusan wada xaajood la galeyn Kuuriyada Waqooyi.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG