Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo sharciga la tiigsaneysa Tebas


Milkiilayaasha kooxda Manchester City ayaa sheegay inay ka fakarayaan inay sharciga la tiigsadaan guddoomiyaha xiriirka La Liga ee dalka Spain Javier Tebas, oo ku eedeeyey inay qiyaanooyin xagga maal-gelinta cayaaraha sameeyaan.

Tebas ayaa sheegay in Man City iyo PSG ay qarash gareeyeen lacag ka baxsan tan kasoo gasha cayaaraha, sidaas darteedna ay tahay in tallaabo laga qaado.

Labadan koox ayaa waxaa kala leh amiirada Abu Dhabi iyo kuwa dalak Qadar.

Waxa uu sheegay in kooxda Girona ee dalka Spain oo ay 44.3% leeyihiiin milkiilayaasha kooxda Man City ay isku dayday inay qariso habka ay lacagta ku hesho.

“Hadallada Tebas waa kuwa aan loo meel dayin oo qiyaali ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Man City.

Waxa ay intaas ku dareen inay ka fakarayaan tallaabooyinka ku habboon arrintan ee dhinaca sharciga oo ay qaadi lahaayeen.

XS
SM
MD
LG