Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wenger: Aad ayaan ugu dhowaa saxiixa Mbappe


Kylian Mbappe
Kylian Mbappe

Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Arsenal ay ku dhoweyd saxiixa cayaaryahan Kylian Mbappe sanaddii tagtay.

Wenger waxa kale oo uu sheegay inuu sidoo kale isku dayay inuu Mbappe ka dhaadhiciyo inuu xilli cayaareedkan kusoo biiro naadiga Gunners, ka hor inta uusan cayaaryahanka ku biirin kooxda Paris Saint-Germain.

Mbappe oo dhaliyey 26 gool xilli cayaareedkii tagey isaga oo ka tirsan naadiga Monaco ayaa sanad amaah ah ugu biiray kooxda PSG, ka hor inta uusan 165 milyan oo gini si rasmi ah ugu wareegin xilli cayaareedka dambe.

18 jirkan ayaa sidoo kale qirtay inuu Arsenal la yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii uu ugu biiri lahaa garoonka Emirates.

“Aad ayuu ugu dhowaa inuu nagu soo biiro” ayuu yiri Arsene Wenger.

Wenger ayaa amaanay laacibkan oo uu ku sheegay mid leh xirfad naadir ah.

XS
SM
MD
LG