Isku xirrada

Waxaa galabnimadi Talaadada iyo habeenkeediba ka dhacay Qaarada Yurub kulamo ka tirsan isreebka koobka aduunka ee sanadka 2018-ka lagu qaban doono dalka Russia.

Xulka Spain oo Sabtidi 3-0 ku garaacay ayaa xalayna 8-0 ku dardaray xulka qaranka Liechtenstein.

Spain lab aka mid ah goolasha waxaa u dhaliyey weeraryahan Alvaro Morata halka goolasha kalana ay kala qeybsadeen David Silva, Sergio Ramos, Silva, Iago Aspas iyo goolka ugu danbeeya oo uu iska dhaliyey Max Goppel.

Spain hadda iyada ayaa u sarreysa Group G, waxay saddex dhibcood ka horreysaa xulka Talyaaniga oo isna 1-0 ku cunay xulka Israel xalay fiidkii.

Goolka kaliyah ee Italy waxaa dhaliyey weeraryahan Ciro Immobile. Waxay Talyaaniga ku jiraan kaalinta labaad, waxaa kusoo xiga Albania oo bar barro 1-1 ah la galay xalay xulka Macedonia.
Ciyaaraha kalana:

Group D

Austria 1 - 1 Georgia
Ireland 0 - 1 Serbia
Moldova 0 - 2 Wales

Group I

Iceland 2 - 0 Ukraine
Kosovo 0 - 1 Finland
Turkey 1 - 0 Croatia

Dhinaca Koofurta America kulamo xiisa lehayaa dhacay. Xulalka waxay isu arkeen sidan.

Bolivia 1 - 0 Chile
Colombia 1 - 1 Brazil
Ecuador 1 - 2 Peru
Argentina 1 - 1 Venezuela
Paraguay 1 - 2 Uruguay.


XS
SM
MD
LG